Wasaaradda Haweenka dowladda Puntland oo xustay maalinta Carruurta Afrika

16-ka bishan June sannad walba waxaa la xusaa maalinta Carruurta Afrika oo dib loogu xasuusto 16-kii June 1976 xilligaasi oo magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika lagu laayay carruur u dhashay dalkaasi oo u muddaharaadayey xuquuqdooda.

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta Carruurta Afrika ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska  Puntland ay ku leedahay caasimadda Garowoe.

Munaasabadda ayaa waxaa so agaasintay wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashaynaysa hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin waxaana ka qeyb galay carruur da’ yar oo sita boorar ay ku xusayaan maalintooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka Puntland Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo faahfaahiyay nuxurka uu xambaarsanyahay xuska maalinta carruurta ayaa sheegay in ujeedka xuskaani yahay dhegaysiga baahiyaha ay qabaan carruurta ee dhinacyada kala duwan sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdullaahi iyo Maxamed Cali yuusuf  oo ka kala socday hay’adaha save the children iyo UNISEF ayaa dhankooda munaasabadda ka sheegay in hay’adahoodu ay mar walba u taagan yihiin sidii ay dowladda Puntland uga gacan-siin lahaayeen arrimaha carruurta gaar ahaanna baahiyaha aas’aasiga u ah korriinka iyo horumrinta carruurta sida caafimaadkooda iyo waxbarashadooda.

Sidoo kale Bahjo Siciid xassan oo ka socotay hay’adda world vision ayaa munaasabadda ka sheegtay in hay’addeeda world vision ay ka shaqeyso ka jawaabidda baahiyaha carrruurta iyo u qareemidooda gaar ahaanna dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka oo hay’addu carruurta ka taageerto.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland Sahro Cabdi Xirsi ayaa sheegtay in wasaaradda Haweenka maalin walba ay u tahay maalinta carruurta maadaama ay maalin walba u qareemaan baahiyaha iyo xuquuqda carruurta puntland .

Waxay sheegtay in wasaaraddu dadaalka ugu badan ku bixiso sidii carruurtu ku heli lahaayeen adeegyada aas’aasiga u ah noloshooda sida barbaarinta caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo wasiirku si weyn ugu mahadcelisay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin ee kala shaqeeya arrimaha carruurta.

Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta wasaaradda iyo hay’adaha ayaa hadiyado ku guddoonsiiyay carruurtii munaasabadda joogtay si ay ula wadaagan farxadda maalintooda.

PUNTLAND POST