Jubbaland oo digniin u dirtay dadka ku lugta leh kicinta bulshada iyo khal-khalinta amniga

Kismaayo (PP) ─ Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada.

Haddaba, maamulka Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga.

Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga dalka inay gacan-bir ah ku qabtaan cid walba oo ka qaybgalaysa kicinta bulshada, isla markaana ay hor-keenaan sharciga si looga abaal-mariyo dambiyada uu dambiilahaas ku kacay.

Haddaba, AKHRISO: Bayaanka arrintan ku saabsan ee kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland

PUNTLAND POST