Garoowe: Nabaddoon si adag uga fal-celiyay hadal ka soo yeeray niman jooga Baydhabo

Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen niman ku sugan magaalada Baydhabo oo bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka nimankaasi ka jeediyeen magaalada Baydhabo ee lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland maadaama aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland.

Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah.

Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay  xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi.

Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka

PUNTLAND POST