Suudaan oo looga digay inuu ka dhaco mid la mid ah burburkii ku dhacay Somalia iyo Liibiya

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Suudaan ay ka billowdaan xiisado siyaasadeed oo sababi kara inuu ku dhaco mid la mid ah burburkii ku dhacay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Mareykanka ayaa xusay haddii golaha millateriga iyo shacabka ay ku guul-dareystaan inay soo dhisaan dowlad KMG ah oo dalkaas hoggaamisa inay dhici karto fowdo iyo dagaallo sokeeye oo dalkaas ka qarxa.

Sidoo kale, Xukuumadda Washington ayaa si deg-deg ah ugu baaqday in la isku keeno dhinacyada Suudaan si ay heshiis muhiim ah uga gaaraan waxa ay isku hayaan, taasoo horseedi karta in dalkaas loo dhiso dowlad KMG ah.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Tibor Nagy ayaa sheegay in Mareykanka uu isha ku heyso xaaladda Suudaan ayna ka walaacsan yihiin inuu haleelo burburkii Somalia ku dhacay oo kale.

Tibor Nagy ayaa xusay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono dalalka Afrika badbaadinta dalka Sudan oo tan iyo markii xukunka laga tuuray Al-bashiir ku jiray xiisado kala duwan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay shaqooyinkii kala duwanaa iyo xasilloonida dalkaas.

Ugu dambeyn, In ka badan boqol qof ayaa la dilay, in ka badan 500 oo qof oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray intii lagu guda jiray hawl-gal culus oo laga fuliyay goob ay leeyihiin bannaan-baxyeyaasha oo ku taalla caasimadda Suudaan ee Khartoum.

PUNTLAND POST