Dowladda Somalia oo jawaab deg-dega ah ka bixisay Gantaallo lagu weeraray Sucuudiga

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa qoraal deg-deg ah kasoo saartay duqeymo ay kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Yemen ay maalin ka hor la beegsadeen dalka Sacuudiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, ayaa lagu sheegay in Somalia ay aad u cambaareenayso labo weerar oo argagixso ah ee ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee gobalka Casir ee Koonfur-galbeed Sacuudiga.

Xukuumadda Muqdisho ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ku guuleystay maalintii Khamiista ahayd ay hawada ku qabato shan gantaal oo lagu soo riday jihada garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo xaafadda Khamiis Mushait.

Sidoo kale, Somalia ayaa sheegtay in gantaal kusoo dhacay garoonka Abha gaar ahaan qaybta ay rakaabka kasoo dagaan ay keentay inay ku 26-qof oo kasoo kala jeeday waddamo kala duwan ay ku dhaawacmaan taasoo ay ku sheegtay Soomaaliya inay halis ku tahay amniga gobolka, ayna wiiqeyso dadaalkii Qaramada Midoobay ee ku aaddanaa in xal siyaasadeed loo helo dhibaatada ka taagan Yeman.

Dhanka kale, Xukuumadda Somalia ayaa war-saxaafadeedka oo ku qornaa af-carabi ku caddeysay inay garab-taagan tahay dowladda Sacuudiga oo ay sheegtay inay wajaheyso weeraro arxan-darro ah oo kaga imaanayo gacmo dambiilayaal ah oo doonayo inay sare u qaadaan falalka dambiilanimada ah ee kasoo horjeedo  qiyamka, caadooyinka, heshiisyada caalamiga ah iyo diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa bayaanno deg-deg kasoo saarta markii ay dhibaatooyin ka dhacaan dalka Sucuudiga, iyadoo dib u dhigta inay ka hadasho dhibaatooyinka ka dhaca gudaha Somaila iyo inaysan si dhaqso ah uga hadlin caqabadaha soo wajaha Somalia.

PUNTLAND POST