
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabtiya furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad uu kaga hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa.
Hoose ka akhriso khudbadda madaxweynaha oo dhammaystiran











PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.