Wasaaradda Isgaarsiinta DF oo Tababar u furtay shaqaale ka socay Dowlad….

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta tababar uga furtay Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka ka jira.

Tababarkan oo lagu baranayo farsamada iyo maamulka astaanta Qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay kasoo qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka.

Sidoo kale Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka farsamo ee Astaanta dotSO.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DF, Cabdi Canshuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda, himilada iyo hiigsiga shirkan uu yahay in la helo isgaarsiin leh hal-beeg caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka.

’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan,’’ ayuu yiri wasiirka oo la dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay la soo wareegtay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda gacan ku haynta astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo iyo maamul kuwaas oo suurto-geliyay in si fudud loogu istimcaalo astaanta gudaha dalka.

PUNTLAND POST