Sheekh Mukhtaar Roobow oo si qarsoodi ah loogu daweeyay Isbtiaal ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu Mansur] oo horay uga soo goostay Al-shabaab ayaa si qarsoodi ah loogu daweeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun uu horay u qabay.

Wadaadkan oo u xiran dowladda Somalia tan iyo sannadkii hore ayaa waxaa la sheegay in xanuun dhanka kilyaha ah oo loo dhigay isbitaalka Digfeer oo ay maamusho dowladda Turkiga, halkaasoo lagu dawenayay muddo saddex maalmood ah.

Roobow Abu-Mansurur ayaa la sheegay in hadda ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaana dib loogu celiyay xarunta nabad-sugidd oo uu ku xirnaa tan iyo markii laga soo qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo uu joogay inuu ka qayb-galo doorashada madaxweyaha maamulkaas oo uu ku guuleystay Lafta-gareen.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Isbitaalka la dhigay dhammaadkii bishii lasoo dhaafay loona diiday warbaahinta inay wax badan ka ogaato arrintaan, inkastoo ay sheegeen hadda xubno ku dhaw isbitaalka iyo saraakiil ka tirsan NISA.

Taliska hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Somalia oo wax lag weydiiyay arrintan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, haatanna uu ku xiran yahay halkii horay loogu hayay oo ka tirsan dhismaha hay’adda ay ku leedahay Xamar.

Dhanka kale, Sheekha ayaa la isku dayay dhawr jeer in xabisga laga sii daayo, balse waa la isla fahmi waayay, taasoo keentay in xaaladda wadaadkan horay uga soo goostay Al-shabaab ay sii adkaato, laguna kala tago.

Ugu dambeyn, Wadaadkan ayaa sababihii uu uga soo goostay Al-shabaab lagu sheegay inay ka mid yihiin xaalado caafimaad oo lasoo darsay iyo sidoo kale in khatar weyn la geliyay naftiisa, kaddib markii ay isku dhaceen xubnaha ururkaas ugu sarreeya.

PUNTLAND POST