Maxaabiistii u horreysay oo lagu xiray Xabsi ay Qaramada Midoobay ka dhistay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Xabsi casri ah oo laga hir-geliyay Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu xiray maxaabiis laga soo wareejiiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho [Gaalshire], kuwaasoo isugu jiray maxaabiis xukuman iyo kuwo aan xukunnayn.

Madaxda maamulka gobolka Banaadir, taliska ciidamada asluubta iyo xubno kale oo ka socda dowladda federaalka Somalia ayaa goob-joog ka ahaa hir-gelinta hawlaha xabsigan oo ka mid ah xabsiyada ugu casrisan Qaaradda Afrika.

Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac [Goobbe] oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xabsigan uu yahay mid aad u wanaagsan, loona soo wareejin doono maxaabiis fara badan, kuwaasoo ku xiran hdda xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay goobta ayaa isagana sheegay in xabsigan uu yahay cid casri ah oo wax weyn ka bedeli doona maxaabiista ku xiran, isagoo xusay in kani uu ka mid yahay xabsiyada ugu casrisan Afrika.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xuquuqaadka aasaasiga ah ee uu helo qof aan xirnayn, xabsiganna wuxuu ka caawin doonaa maxaabiista inay heleen nolol wanaagsan iyo inay wax bartaan, si markii ay xabsiga ka baxaan ay ula qabsadaan nolosha ay dibadda ugu tegi doonaan,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Dhanka kale, Waxaa goobta la hadlay mas’uuliyiin kale, kuwaasoo sheegay in xabsigan uu waasacsan yahay isla markaana ka wanaagsan yahay xagga dhismaha xabsiga dhexe ee Xamar oo la dhisay muddo qarni ku dhow.

Mxaabiista xabsigan cusub loosoo wareejyay ayaa waxay isugu jira kuwo galay dambiyo culus oo xukuman iyo kuwo dambiyo fudud galay oo qaar ka mid ah aan maxkamad lasoo marin, waxaana ka mid ah wiil caan ah oo lagu magaabi jiray idaacadda wareegta oo muddo laba sano ah xiran, isgaoo aan maxkamad soo marin.

Ugu dambeyn, Xabsigan oo sannadkii hore uu xarigga ka jaray Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa dhistay Qaramada Midoobay, wuxuuna ku yaallaa dhabarka dambe ee xarunta taliska asluubta Somalia oo ku taalla waddada aadda Afgooye.

PUNTLAND POST