Shirkadda Dispatch Logistics oo adeegyadeeda gaarsiisay Puntland

Shirkadda dispatch logistics waa shirkad ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah oo xafiiskeeda ugu weyn ku yaal magaalada Salalah ee dalka Oman.

Shirkadda Dispatch Logistics waxay macaamiisheeda la wadaagaysaa adeegyada kala duwan ee ay qabato:-

Sea Cargo Forwarding:
Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca Badda iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Salalah oo ah nidaam wadamadu badeecadaha isugu gudbiyaan oo canshuur dhaaf ah una gudbinaysa dekedda Bosaso. Waana adeegii ugu horeeyey oo ay shirkaddu u bilowday macaamiisheeda.

Inland Cargo Forwarding:
Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca barriga iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Berbera, shirkadda oo noqotey shirkaddii ugu horeysay oo ka hirgalisa nidaamkan dhulka badeecadaha la marinayo dekedda Berbera laguna dajinayo xerooyinka Containers-ka shirkadda ee ku yaala Garowe Agagaarka Puntland Petrolium Station, iyo Gaalkacyo agagaarka Kantaroolka magaalada.

Export Forwarding:
Adeegan oo ah mid alaabta dibada dalka looga dhoofinayo sida badeecadaha u baahan Qaboojiyaasha, sida Kaluunka, Argoosatada iyo Hilibka. Sidoo kale badeecadaha aan ubaahnayn qaboojiyaasha.

Air freight Forwarding:
Waa adeeg ay shirkaddu qorsheynayso in ay hirgaliso mustaqbalka dhow si ay u daboosho baahiyaha macaamiisheeda ku sugan Puntland ee dhinaca Cargo-da yar yar.

Faahfaahin”
Shirkadda Dispatch Logistics waxay idin faahfaahinaysaa sababta soo dedejisay bilaabidda adeega badeecadaha ee Berriga.

Badeecadaha qaarkood oo aan doon la soo saari karin sida badeecadaha Qaboojiyaha u baahan.

Badeecadaha qaarkood oo aan Container-ka laga bixin karin sida qalabka warshadaha oo u badan biro iyo boolal iyo qalabyo la isku xirxirayo oo hadii Doon lasoo saaro ay halis u tahay in qaar kala lumaan hadhowna ay suura gali waydo in sidii la rabay qalabkaa loo xirxiro.

Badeecadaha doomaha ku burbura sida muraayadaha, electronics ka, gawaarida, solars ka iyo machineries ka qaarkood.

Waqtiyada qaarkood oo aysan doomuhu safri karin sida waqtiyada bad xiranka loo yaqaan oo ah waqti dheer oo dabaylo xoogani badda ka dhacaan lagana yaabo in ay ku burburto hantida shacabka Puntland.

Shirkaddu waxay ku guulaysatay in ay meesha ka saarto labadii canshuurood ee fuuli jiray badeecadaha.

Shirkaddu waxa ay xalisay dhibaatooyin fara badan oo ay ka caban jireen shacabka Puntland waxa ayna suuro galisay in ay siiso qof kasta oo degen Puntland kalsooni uu kaga soo dagsan karo badeecadiisa Bad iyo Barri, sidoo kale mustaqbalka dhowna ay ku dari doonto adeegeeda Cirka.

Shirkadda Dispatch Logistics waxa qorshaheedu yahay in ay meesha ka saarto khasaaraha sanadlaha ah ee ganacsatada Puntland soo gaara, kaas oo lagu qiyaaso 20-30% kana yimaada alaabo jajabtay, alaab luntay iyo magdhow looga soo dalaco dekedaha Carbeed.

Wixii su’aalo ah oo la xiriira adeegyada shirkadda iyo meelaha ay ka howl gasho fadlan kala soo xiriir..

Dispatch Logistics
Freight Forwarding Services
Salalah, Garowe, Berbera
E-mail: info@dispatchls.com
Tel: 0096891205156 (Salalah).