Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan isagoo magacaabay guddoomiye cusub.
Dikreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa xilka looga qaaday Mr Cartan waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug dhanka dowlad goboleedka Galmudug loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal).
Dikreetada ayaa lagu amray dhammaan laamaha amniga iyo hay’adaha Gargaarka ee ka hawlgala gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaasi.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.