Diyaarinta Mooshin dhan ka ah Guddooomiye ku xigeenka baarlamanka oo ka socda Xamar

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa waxay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, kaasoo la sheegayo inuu sii xoogeystay.

Muudeey oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto si uu isku difaaco, waxaana wararku ay sheegayaan in arrintan ay salka ku hayso sharciga doorashooyinka oo la isku khilaafsan yahay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inay jiraan mas’uuliyiin sare oo mooshinkan dabada ka riixaya, kuwaasoo aan weli dibadda u soo bixin, waxaana tani ay qayb ka tahay muranka baarlamaanka ka taagnaa tan iyo markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, ayaa kordhaya saacadba saacadda xigta, waxayna shirarkooda si is-daba-joog ah uga socdaan xarunta madaxtooyada Somalia, waxaana socda dadaallo lagu kordhiya kordhinayo tirada xubnaha u heelan inay ka qayb-galaan mooshinkan.

Inkastoo aan weli mooshinkan gacanta loo gelin guddoonka golaha shacabka Soomaaliya, ayaa haddana wuxuu u muuqdaa mid si aad ah dabada looga riixayo, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Dhanka kale, C/weli Muudeey ayaa waxaa lagu xuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Jawaari, isagoo ku adkeystay in xilka laga qaado, iyadoo isagana ay maanta haysato in xilka laga qaado.

Ugu dambeyn, Wixii kusoo kordha mooshinkan waxaad kala socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post, waxaana mooshinkan naloo xaqiijiyay inay wadaan xubno si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST