Mareykanka oo sheegay in duqeyn khasaare geysatay ay ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deegaanka Tooratooroow.

Qoraalka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in hawl-galkan ay gacan ku siinayeen ciidamada DF oo halkaas ka waday howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, laguna guuleysstay.

“Waxaa socda baaritaanno ku aaddan in duqeynta ay khasaare kasoo gaartay dad shacab ah iyo in kale,” ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM, inkastoo horay loogu eedeeyay ciidamadan inay khasaare u geystaan dad shacab ah marka ay fulinayaan hawlgallada noocan oo kale ah.

Deegaanka Tooratoorow oo ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolka Shabellada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, waxaana ay saraakiisha ciidamada DF sheegaan in laga soo abaabullo dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, Taliska ciidamada Mreykanka ee Afrika ayaa waxay hawl-gallo dhinaca cirka ah ka fuliyaan inta badan deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab iyo kuwa ay maamulaan kooxda Daacish ee Gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada AFRICOM ay sheegeen inay duqeyn cirka ah ka fuliyaan deegaannada Puntland, kuwaas oo ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Daacish oo saldhigyo ku leh halkaas.

PUNTLAND POST