Maraykanka oo xukun ku riday sarkaal Soomaali ah oo dil geystay

Soomaali taageeraysa Maxamed Nuur

Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota  ayaa shalay  maxkamad ku taalla  degmada Hennepin  ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah.

Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan  lagu helay in uu sannadkii 2017-kii  dilay Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska u wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda.

Dhinaca kale bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shalay dibad-bax ku muujiyay sida ay uga xun yihiin xabsiga lagu xukumay Maxamed Nuur iyagoo Maxkamadd ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn.

PUNTLAND POST