Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Mudane Waare ayaa guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Carraale oo kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Xilka qaadista Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu ku eedeeyay lunsashada dhaqaale laga uruuriyay bulshada gobolka Hiiraan.
Hoos ka akhriso Dikreetada

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.