Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.
Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.
Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
PUNTLAND POST