Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somalia oo isku dal-dalay magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Xerada ciidamada booliiska ee xaafadda Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay saakay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray, G/dhexe Cabdi Cali Seed ayaa wuxuu isku dal-dalay xarig isagoo xiranaa darajada ciidanka, isla markaana goobtii uu isku daldalay uu ku geeriyooday.

Dadweynaha ku nool xaafada uu falkan ka dhacay ayaa halkaas isugu soo baxay, iyagoo aad uga naxay dilka uu sakaalkan isku geystay, kaasoo si aad ah looga yaqaannay xaafaddaas, illaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ah ee uu isku dal-dalay.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay ay duruuf aan la carro-baahin haysatay sarkaalka, loona maleynayo inuu arrintaas isku dilay, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in duruufaha haystay ay ka mid ahayd lacag la’aan ba’an.

Dhacdooyinka la xiriira is-dal-dalaada ayaa mararka qaar waxay ka dhacaan gobollada Somalia, waana naadir ah, balse taliska Booliska Somalia, ayaan weli ka hadlin dilka uu sarkaalkan ka tirsan booliiska isku geystay maanta.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreeysay nooceeda oo uu sarkaal ka tirsan booliiska DF isku geysto, isgaoo xiran direyska ciidanka iyo darajadiisii, waxaana maydkiisa goobta ka qaaday ciidammo booliis ah.

Ugu dambeyn, Waaxda dambi-baarista booliiska Somalia ee CID-da, ayaa wada baaritaanno ku aaddan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu si iskiis ah isku dilo sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia.

PUNTLAND POST