Bur-saliid iyo xubno kale oo la hor-geeyay Maxkamad ku taalla Nairobi iyo eedeyn…

Muqdisho (PP) ─ Maxkamad ku taalla magalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa Maanta lasoo taagay afar ruux oo Soomaali ah oo uu ku jiro aqoonyahan Ibraahim Bur-saliid oo Arbacadii ay xireen ciidamada Sirdoonka Kenya.

Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin argagaxisada, waxaana afarta qof ay kala yihiin; Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan Maxamuud iyo Ibraahim Qaasim Faarax Bur-saliid.

Garsooraha maxkamada Milimani ee Nairobi, Peter Okoo ayaa amray in farta ruux ee Soomaalida ah lagu sii haayo xabsiga muddo afar maalin ah, iyadoo maxkamadeyntooda ay dhici doonto 12-ka bishaan lagu jiro.

Sidoo kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoyga Ibraahim Bur-saliid laga helay baasaboor Jabuutiyaan ah, warqadaha guddiga doorashada, afar taleefan, kaarka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo koobiga laba kibaandho oo sharciga Kenya ah.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada dowladood ee salka ku haya muranka Badda oo muddo soo jiitamayay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xarigga aqoonyahanka Soomaaliyeed oo inta badan ka faaloon jiray arrimaha geeska Afrika, gaar ahaan kuwa dalal ay ku jirto Somalia xariggiisa ay uu salka ku hayo khilaafka labada haatan u dhexeeya labada dowladood.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dhawaanahan wadday culeysyo ay saarayso Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa inay doonayso inay dalkeeda ka mamnuucdo illaa 66-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Somalia.

PUNTLAND POST