Dowladda Puntland oo curraartii ka jartay caasimadda Garoowe

Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa markii u horraysay, si faahfaahsan u soo bandhigay, dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa degmada Garoowe.

Warbixinta dakhliga iyo Kharashaadka degmada, oo lagu soo bandhigay Shax ka kooban 2 bog, ayaa muujinaysa in aan shilin ka soo xaroon, lacagtii Curaarta caasimadda ee ay bixin jirtay dowladda Puntland.

Iyadoo filashada dakhliga curraarta degmada ay qorneyd  24,630,000,000SH ayaa cel-celiska Shaxda lagu muujiyay 0.00% oo u dhiganta in aan shilin ka soo xaroon curraartii ay caasimadda siin jirtay dowladda Puntland.

Sidoo kale, mashruucyada JPLG iyo Somali Urban Resilence Project ayaan midna wax dakhliya ka soo xaroon, sida ka muuqata  shaxda soo bandhigista dakhliga degmada Garoowe.

Halkaan hoose ka eeg shaxda dakhliga iyo kharashaadka degmada

PUNTLAND POST