Maamulka Galmudug oo shir deg-deg ah ugu yeeray Maamul-goboleedyada dalka ka jira

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shir deg-deg ah ugu yeertay dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, si looga hadlo xaalada uu ku sugan yahay dalka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu xusay in dowladda Somalia ay ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday inay wax ka qabato, iyadoo Dowladda Somalia lagu eedeeyay inay ku mashquulsan tahay burburinta nidaamka federaalka ee dalku qaatay.

Sidoo kale, Waxaa lagu eedeeyay Dowladda dhexe inay Galmudug dagaal ku soo qaaday, isla markaana laga jaray dhaqaalihii iyo mashaariicdii kala duwanaa ee ka socday Galmudug.

Bayaanka kasoo baxay Galmudug ayaa lagu xusay in kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulkaas, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay inay il-gaar ah ku heyso xaalada xilligaan ka jirta Somalia.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabida ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, James Swan oo dhawaan uu magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xukuumadda dhexe ee Somalia ayaa waxay sheegtay dhawaan in Galmudug ay ka dhici doonto dabayaaqada sannadkan doorasho, taasoo lagu soo xulan doono xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba madaxweynaha maamulkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, taasoo madaxweynaha hadda maamulka galmudug uu ku gacan-saray, kuna tilmaamay fara-gelin qaawan.

Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu fashillmay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Somalia iyo dowlad-goboleedyada dalka ka jira, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin shirkii Garoowe ka dhacay.

PUNTLAND POST