DF Somalia oo ka hadashay Qunsuliyadda ay Kenya doonayso inay ka furato Hargeysa

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa markii u horeysay ka hadashay xafiiska dublamaasiyadeed ee Kenya ay ka furaneyso Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in wax aanay dowladda Somalia ka warqabin aysan Kenya ka dhex-sameyn karin Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay xulufo ka dhiganeyso maamul ka tirsan Somalia, gaar ahaan Somaliland.

“Dowladda Federaalka Somalia ayaa u fasaxday Kenya inay Qunsuliyad ka furato Hargeysa,” ayuu yiri Wasiir Cawad, isagoo meesha ka saaray shaki ahaa in Kenya ay doonayso inay ka tallaabsato dowladda Somalia oo ay maamullada dalka ka jira la sameysato xiriirro dublamaasiyadeed.

Dhinaca kale, Cawad ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sidoo kale Somalia u ogolaatay inay Qunsuliyad ka furato magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddii ay sidaas doonayso.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soalia aysan dooneyn inay dagaal la gasho Kenya oo ay ka aarugudato tallaabo kasta oo ay qaaddo, wuxuuna daboolka ka rogay in Somalia ay doonayso inay dalalka ay daris-wadaagga yihiin kula noolaato nabad iyo ixtiraam.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Kenya ay kordhinaysay dhawaanahan cadaadisyada ay ku hayso Soomaaliya ayadoo uu soo dhawaaday xilligii ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqi xukunka ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

PUNTLAND POST