Al-shabaab oo saldhig ciidan ka sameysatay gudaha Kenya iyo walaac ka dhashay arintan

Kenya (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka sameysateen saldhig gudaha dalka Kenya, iyadoo dagaal ka dhacay xuduudda labada dal u dhexeysana lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Kenya.

Saldhigga ay Al-shabaab ka sameysatay gudaha Kenya ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay ololaha dagaal ee ay kooxdan ka waddo gudaha dalkaas, gaar ahaan deegaannada ku dhaw xuduudda ay Kenya la wadaagto Somalia.

Isku-duwaha amniga gobolka Waqooyi-bari Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shababa ay saldhigga ciidan ka sameysatay deegaanka Dawahuba oo 6-km u jira xadka ay wadaagaan labada dal, halkaasna ay ka abaabulayso dagaallada ay ka geysanayso gudaha Kenya.

Sidoo kale, dagaalka uu ku dhintay askariga Keenyaanka ah ka dhacay meel aan ka fogeyn xadka labada waddan, inkastoo dagaalka uu iskiis u istaagay lamana oga khasaaraha kooxda Al-shabaab kasoo gaaray dagaalkan.

“Dagaalkan wuxuu billowday kaddib markii ciidamada Kenya oo ka war-helay saldhigga ay ururka Al-shabaab ka sameysateen gudaha Kenya ay weerar ku qaadeen, waxaana nooga dhintay hal askari,” ayuu warbaahinta u sheegay Maxamuud Biriq oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Iska-horimaadkan ayaa wuxuu sii xoojinayaa walaaca ay dowladda Kenya ka qabto weerrarada uga yimaada Al-shabaab, kuwaasoo xilliyo kala duwan laga geystay gudaha dalkeeda, laguna dilay kumannaan qof oo Kenyaan iyo ajaanib kale isugu jira.

Ugu dambeyn, Ciidamada amniga Kenya ayaa raadinaya labo dhakhtar oo u dhashay Cuba, kuwaasoo ay sheegtay inay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana kooxdu ay dalbatay in laga siiyo madax-furasho lacageed.

PUNTLAND POST