Xukuumadda Puntland oo u hambalyaysay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay James Swan

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa hambalyo u diray wakiilka cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya James Christopher Swan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo loogu hambalyeeyay Mr. Swan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda Puntland ay ka go’antahay la shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.

PUNTLAND POST