Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa u kala gudbiyay maxaabiis dagaal oo Puntland iyo Somaliland ku kala qabsadeen dagaalladii Tukaraq.
ICRC ayaa duhurnimadii maanta Garoowe ka soo dejisay 14 maxbuus oo Puntland looga qabtay dagaalladii Tukaraq waxaana ay magaalada Hargeysa u qaadday 3 maxbuus oo kamid ahaa maxaabiistii Somaliland looga qabtay Tukaraq.
Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland balse 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC ayaa la sii daayay kadib markii la dhaqan-celiyay.
Waxaase Puntland xabsiga ku sii haysay 3 maxbuus oo u dhashay gobollada waqooyi galbeed uuna ku jiray korneyl taliye xigeen ah kuwaasi oo maanta loo qaaday magaalada Hargeysa.
Sidoo kale Somaliland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood dib loogu soo celiyay Garoowe.
Heshiiska maxaabiis is-weydaarsiga labada dhinac ayaa waxa fududaysay hay’adda Laanqeyrta Cas oo maxaabiista u kala wareejisay Garoowe iyo Hargeysa.
PUNTLAND POST