DF oo shaacisay in la qabanayo shirar looga hadli doono arrimaha shidaalka Somalia

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Somalia ayaa shaacisay inay dhici doonaan shirar looga hadlayo arrimaha shidaalka dalka, kaasoo ay ka qayb-galayaan shirkado daneynaya shidaalka Somalia.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda macdanka iyo shidaalka Somalia, Maxamuud C/qaadir Hilaal ayuu ku sheegay in shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, isla markaana ay ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaasoo daneynaya shidaalka Somalia.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka labaad uu ka dhacayo Mareykanka si la mid ah ayna ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya shidaalka Somalia.

Dhanka kale, Wasiirku ma shaacin waqtiga ay shirarkaasi dhici doonaan, balse waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan xildhibaannada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga shidaalka Somalia, kaasoo golaha si dhaqso badan lagu mariyay, waxaana qorshuhu yahay in shidaalka dalka loo gacan-geliyo mid ka mid ah waddamada aadka ugu dhaw dowladda hadda jirta.

Ugu dambeyn, Arrimaha shidaalka Somalia iyo habka loo wadaagayo waxaa dhawr jeer isku khilaafay maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka ah, iyadoo aanay jirin wax xal ah oo weli khilaafkaas laga gaaray.

PUNTLAND POST