Puntland iyo Somaliland ayaa Isniinta berriya si rasmiya isu dhaafsanaya maxaabiistii labada dhinac ku kala qabsadeen dagaalladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Labada maamul ayaa hore u saxeexay Heshiis maxaabiis is-weydaarsiya oo ay fududaysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamiga inkastoo aan warbaahinta laga shaacin heshiiskaasi.
Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 maxbuus balse 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC ayaa la sii daayay kadib markii la dhaqan-celiyay waxaana hadda gacanta Puntland ku haray saddex maxbuus oo u dhashay gobollada Waqooyi galbeed.
Saddexda maxbuus mid kamid ah waa taliye ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Somaliland halka labada kale ay yihiin askar.
Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Puntland kuwaasi oo dhammaantood ay gacanta ku hayso mana jirin cid ay ka siidaysay Somaliland.
PUNTLAND POST