Ku simaha madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay in ka badan 120 maxbuus

Ku simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta cafis u fidiyay 120 maxbuus oo ku xirnaa  guud ahaan xabsiyada Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa cafis loogu fidiyay dhammaan maxaabiistan oo ku eedaysnaa denbiya fudud, balse nasiib u helay cafiska madaxweynuhu fidiyo ee maalmaha Ciidda.

Qaar kamid ah maxaabiista la cafiyay oo ku xirnaa Garoowe, ayaa ha hor inta aan la siidayn, waxaa wacyi-gelin iyo dardaaran u jeediyay xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo ku waaniyay in ay dib u hagaajiyan noloshooda.

PUNTLAND POST