CC Warsame oo Shaaciyay in la abaabulayo colaad ka dhan ah Jubbaland iyo Galmudug

Muqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ka dhawaajiyay inuu jiro qorshe la doonayo in lagula diriro maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo xilligan ay fara-gelin ku hayso dowladda federaalka Somalia.

CC Warsame, ayaa sheegay in safarka ra’iisul wasaaraha DF uu tagay dalka Qatar, safarro uu horay taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ugu tagay Itoobiya, safar madaxweynaha Somalia uu maanta ku tagay Addis Ababa ay yihiin qorshe isla socda oo ku wajahan dagaalka Galmudug iyo Jubbaland.

“Colaadda ka dhanka ah Galmudug iyo Jubbaland waxaa awood ciidan iyo mid dhaqaale looga raadsaday Waddamada Qatar iyo Itoobiya,” ayuu yiri Warsame oo si kooban u hadlay.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray. “Kooxoda isku magacowday Nabad iyo Nolol waxay masiirkooda siyaasadeed ku dareen guusha iyo guul-darrida ay kasoo hooyaan labadaa dowlad goboleed, Waxaana inta samaha jecel ugu baaqayaa inay shirqoolkaas ka hor-tagaan oo ay garabsiiyaan labada dowlad goboleedyada duullaanka lagu yahay.”

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo hoggaanka maamulkaas, waxaana la sheegay inay jiraan xubno ay dowladda dhexe ee Somalia wadato, iyadoo madaxa Jubbaland, Axmed Madoobe uu sheegay in lagu hayo maamulkiisa fara-gelin ka timdi Muqdisho.

Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaa dhawaan wuxuu kasoo horjeestay qorshe ay wadatay dowladda dhexe ee Somalia, kaasoo ahaa in doorasho ay ka dhacdo dhammaadka sannadkan, inkastoo madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] uu diiday inay doorasho dhacdo.

Ugu dambeyn, CC Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii saadaalinayay safarada madaxda dowladdu ku tagayaan dalalkaas oo hadda dhab noqday, waxaana uu ka digay wuxuu ugu yeeray shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah maamul-goboleedyada dalka qaarkood.

PUNTLAND POST