Gurmad loo fidinayo tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal oo aasantay

Maamulka gobolka Karkaar ayaa si hagar la’aana ugu gurmaday,  tuulada Xaaji Khayre ee gobolka Nugaal oo go’doontay, kadib markii roobabka gu’ga ay maayado xiis ah ku soo rogeen.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Cabdullaahi Maxamed Barre caato, duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa gurmad ballaaran u fidiyay shacabka ku dhaqan tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal oo daadadka soo rogmaday go’doomiyeen.

Daadadka oo si xawliya ku socda, ayaa la soo sheegayaa in ay qaateen qoys reer miyi ah oo ku noolaa nawaaxiga tuulada Xaaji Khayre kana koobnaa 8 ruux , balse laga soo badbaadiyay 5 xubnood oo qoyska kamid ah, halka 3 kale ay ku dhinteen.

Sidoo kale, daadadka ayaa aasay xaafado ka tirsan tuuladaasi, waxaana maamulka gobolka karkaar oo gurmad u sameeyay soo badbaadiyay dad ku noolaa xaafadaha buuxsamay ee tuulada.

Mowjadaha daadadka ah, waxa kaloo ay qaateen gaadiid yaryar iyo kuwa xamuula oo marayay laamiga, waxaana ay meelo kala duwan ka gooyeen laamiga.

Roobabka ayaa tuulada Xaaji Khayre ka go’doomiyay gobolka Nugaal intiisa kale, markii ay gooyeen laamiga, sidoo kale waxaa hawada ka baxday isgaarsiinta degaanka.

Gurmadka uu fidinayo maamulka gobolka Karkaar ayaa weli socda lamina oga khasaaraha dhabta ah ee daadadka ay dhaliyeen.

Hoos ka eeg sawirada

PUNTLAND POST