
Garoowe, Juun, 01 2019: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.
Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.
Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.
Guddiga ayaa kala ah: –
1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye
2. Wasaaradda Hawlaha Guud G/Ku Xigeen
3. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo
Biyaha Xubin
4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin
5. Wasaaradda Ganacsiga Xubin
6. Wasaaradda Xanaanada
Xoolaha Xubin
7. Wasaaradda Deegaanka Xubin
8. Wasaaradda Caafimaadka Xubin
9. Wasaaradda Qorshaynta Xubin
10. Madaxtooyada Xubin
11. Taliska Ciidanka Booliska Xubin
12. Hay’adda HADMA Xoghayn
13. Hay’adda PHA Xubin
14. Guddoomiyayaasha Gobolada Xubin
Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan guriga, isla markaasna u fududeeyaan guddigan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.
_DHAMMAAD_
You must be logged in to post a comment.