Booliiska dalka Maraykanka ayaa goor dhoweyd sheegay in ugu yaraan 11 ruux ay dhinteen 6 kalena dhaawacmeen kadib markii nin hubaysan uu toogasho ka geystay xarunta dowladda hoose ee degmada Virginia Beach oo ku taalla gobolka Virginia ee dalkaasi Maraykanka.
Qofka toogashada geystay oo ka tirsanaa shaqaalaha wakaaladda korontada degmada Virginia Beach ayaa isna markii dambe Booliisku toogtay sida uu sheegay taliyaha Booliiska degmadaasi oo lagu magacaabo James Cervera.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Booliisku ay weli baaritaan ku hayaan dhacdada islamarkaana ay faahfaahin buuxda ka bixin doonaan markii ay baaritaanka soo dhammeeyaan.
Sidoo kale duqa degmada Virginia Beach Bobby Dyer oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhacdada ku tilmaamay “tii ugu xumayd ee soo marta taariikhda degmadiisa” isagoo u tacsiyeeyay dadka eheladooda ku waayay toogashadaasi.
PUNTLAND POST