Madaxda Dowladda Dhexe oo lagu canaantay ka jawaabid la’aanta cadaadisyada Kenya

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo Dowladda Kenya ay dhawaantan wadday cadaadis ka dhan ah Soomaaliya, ayaa waxaa arrintaas aan weli ka hadlin madaxda Dowladda Federaalka, waxaana soo baxaya eedeymo loo jeedinayo madaxda DF.

Xukumadda Kenya ayaa horay u joojisay dal-ku-galka ay madaxda Somalia ku siin jirtay garoonka diyaaradaha ee Nairobi, waxaa xigtay in la joojiyo gabi ahaan xamuullada ganacsi ee Muqdisho ka baxa oo aanay qofna la socon, waxaana ka horreeyay in la joojiyay diyaaradihii tooska uga bixi jiray Muqdisho ee tegi jiray Nairobi, kuwaasoo lagu sii hakiyo degmad Wajeer ee Ismaamulka Soomaalida Kenya.

Xildhibaan Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka DF, ayaa sheegay in ka aamusida madaxda dowladda dhexe ee go’aannadaas ay shacabka Soomaaliyeed u keeni karto niyad-jab weyn.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxtooda ka sugayaan jawaabo u dhigma tallaabooyinka ay Kenya qaaday, waayo shacabku waxay ku bireysan yihiin madaxdooda,” ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Mudane Zakariye ayaa hadalkiisa ku sheegay in mar walba tallaabooyinka loo qaado xaalada siyaasadeed ee dalka ay ka dhiidhiyaan shacabka oo ay sameeyaan bannaan-baxyo ay uga soo hor-jeedaan, laakiin ay weli la’yihiin madax garab ku siisa.

Sidoo kale, Xildhiabanka ayaa sheegay inay wax aan la aqbali karo ahayn in looga aamuso cadaadisyada Kenya ay dalka ku hayso xoogaa shilimaad ah ayaa meeshaas kuu yaal ee ha iska carqaladeyn, tasoo uu seegay in fikirka noocaas ah aan dal lagu hoggaamin karin.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa ciyaaraysa gool siyaasadeed oo dhan ka ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana tani ay keentay inay shacabka Soomaaliyeed muujiyaan shakiyo kala duwan, iyadoo aysan jirin jawaabo muuqda oo ay dowladdu ka bixinayso cadaadisyada Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

DHAGEYSO: Xildhibaan Zakaiye Maxamuud Xaaji Cabdi oo arrintaan si kulul uga hadlay;

PUNTLAND POST