Xukuumadda Kenya oo xayiraad cusub kusoo rogtay DF iyadoo aan weli jawaab laga bixin

Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale xayiraad kusoo rogtay shacabka Sooomaaliyeed iyo dowladdooda, iyadoo sheegtay in aanay mar dambe ogolaan doonin in xamuulka laga qaado Somalia la geliyo dalkeeda iyadoo aanay cidna la socon.

Warka kasoo baxay dowaldda Kenya ayaa lagu xusay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabta xamuulka ah ee loo geliyo dalkaas, haddii la waayo qofkii waday.

Sidoo kale, Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabooyin badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Somalia, taasoo ay sheegtay inay ka hor-imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar dhanka ammanak ah.

“Xukuumadda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno waddanka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa, waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa,” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay Xukuumadda Nairobi.

Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa sheegay in sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal-ku-gal aan loo ogolaan doonin inuu Kenya galo, hadalkan ayaa lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Go’aankan ayaa qayb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay Kenya saaraysay dowladda Somalia, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka ganacsiga iyo alaabaha dalka Kenya la geeyo.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aaddan aloobooyinka ay ganacsatada u badan Soomaalidu u dirsadaan dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladda Somalia ka qaadan doonto cadaadisyadan isi soo tarayay.

PUNTLAND POST