Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa galabta James Christopher Swan u magacaabay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Mr Swan oo 56 jir, una dhashay Mareykanka ayaa loo magacaabay booskii uu banneeyay danjire Nicholas Haysom oo 31kii December sannadkii tegay dowladda Soomaaliya dalka ka ceyrsisay.
Danjire Swan waa safiir hore, wuxuu ka soo shaqeeyay guddiga Xiriirka dibedda ee Baarlamaanka Mareykanka. Sannadkii 2008 – 2001 wuxuuna ahaa safiirkii Mareykanka u fadhiyay Djibouti.
2011 – 2013 wuxuu dowladda Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, maadaama uusan jirin danjire rasmi ah oo dowladda Mareykanka u joogay Soomaaliya.
2013 illaa 2016 wuxuu ahaa danjirihii Mareykanka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Cameroon, Nicaragua iyo Haiti
Maanta oo 30ka May, 2019 waxaa loo magacaabay Ergeyga QM ee Soomaaliya iyo madaxa Xafiiska UNSOM.
PUNTLAND POST