Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu soo rogay amarro cusub oo lagu…

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (inj. Yarisow) ayaa faray waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey.

“Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.”

Inj. Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiye Inj. Yarisow, ku-xigeenadiisa iyo hawl-wadeennada kale ee maamulka Gobolk ayaa la wadaagay RW Somalia hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Jidadka hal-bowlaha u ah isku socodka caasimadda, naleynta iyo dar-dar-gelinta barnaamijka is-xil-qaan ee dib loogu dhisayo tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale madxafka Qaranka.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa kulammo dhawr ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo inuu isbeddell kala duwan oo muuqda uga sameeyo caasimadda Somalia ee Muqdisho.

PUNTLAND POST