Dowladda Puntland oo dallacsiisay taliyaashii ka soo baxay Somaliland

Dowladda Puntland ayaa dallacsiiyay saddex taliye ciidan oo ka baxay Somaliland kuna biiray ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag.

Munaasabad ka dhacday degaanka Balli-busle oo hoostaga degmada Buraan ee gobolka Sanaag ayaa derejada G/sare loo dallacsiiyay  Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo Cabdirashiid Axmed Jaamac halka taliye jaamac Dhakaar loo dallacsiiyay derejada G/dhexe.

Xuseen Dheere iyo Cabdirashiid ayaa ka dallacay derejada G/dhexe oo ay uga burburtay dowladdii Kacaanka Soomaaliya iyagoo aan wax dallacaad ah  ka helin Somaliland mudadii ay ka tirsanaayeen ciidamada maamulka.

Ex. Gashaanle Jaamac cabdi Geesood ( Dhakaar) oo hadda loo dallacsiiyay G/dhexe ayaan isna mudada uu ka tirsanaa ciidamada Somaliland wax derejo ah ka helin taliskaaasi.

Sidoo kale Puntland ayaa munaasabadda kula wareegtay in ka badan 1000 askari oo ay hoggaaminayan taliyaasha la dallacsiiyay ee ka soo baxay ciidamada Somaliland.

Dhinaca kale isla munaasabadda ayaa billad sharaf lagu siiyay guddoomiyihii Somaliland ugu magacownaa gobol ay ula baxeen Badhan kaasi saaka ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi islamarkaana ku biiray Puntland.

Munaasibaddan waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada dowladda Pumtland wasiirka amniga  Xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

PUNTLAND POST