Danjiraha Somalia ee Kenya oo si kulul uga hadlya Go’aan kasoo baxay Wasaaradaha DF

Nairobi (PP) ─ Danjiraha Soomaaliya u jooga Kenya, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] ayaa kaso o horjeestay go’aan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Somalia oo hay’addaha caalamiga ku wargelisay in dhammaan shirarkii iyo siminnaaradii lagu qaban jiray magaalada Nairobi loo wareejiyo waddamo kale, sida Itoobiya, Rwanda iyo Uganda.

Tarsan ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan arrimaha dibadda dalka aanan wasaarad kale laga wareysan karin, isagoo sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay hoggaamiso siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

“Siyaasadda arrimaha dibadda Somalia waxaa majarha u haysa wasaaradda arrimaha dibadda, wasaarad kale oo laga wareysan karana ma jirto, waxay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda ayaa magaca dawlada ku hadlaya,” ayuu yiri danjire Tarsan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa hadalkiisa ku daray. “Mar aan toddobaadkan shir la qaatay wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Monica Juma waxay ii sheegtay inay ka jawaabi doonaan bayaan ay soo saaratay Somalia.”

Daniraha wuxuu intaas ku daray in shir ka dhacay Nairobi oo lagu xusayay sanad-guurad ha’yadda Qaramada Midoobay ee UN Habitat, kaasoo markii u horreysay Afrika lagu qabtay, waxaa shirkaas ka qayb-galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo Somalia ay shirkaas u matalayeen wasiirka hawlaha guud, danjire daniraha Tarsan iyo mas’uuliyiin kale.

“Kulankan wuxuu ahaa sanad-guuradii hay’adda UN Habitat oo markii ugu horreysay lagu qabtay Qaaradda Afrika, waxaa furay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Somalia waxa laga casuumay guddoomiyeyaal fara badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dib-u-dhiska, guddoomiyeyaashii la casuumay qaar ka mid ah ma imaan, waxaana joogay aniga oo ka socda safaaradda iyo xubno kale,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha Somalia u fadhiya Kenya.

Dhanka kale, wasaaradaha xukuumadda ayaa haatan u muuqda kuwo isku khilaafsan arrinta ku saabsan shirarkii iyo siminnaaradii lagu qaban jiray magaalada Nairobi, iyadoo go’aan aan rasmi ahayn oo dowladda gaartay lagu sheegay in shirarka iyo siminnaarada wasaaradaha ee Nairobi loogu qaban jiray loo weeciyo caasimadaha dalalka Uganda, Rwanda iyo Itoobiya.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Nairobi ayaa dhawaan billowday tallaabooyin ay cadaadis ku saareyso mas’uuliyiinta dowladda, waxaana dhawaan dal-ku-galkii ay u diidday xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Somalia oo horay looga siin jiray fiisooyinka garoonka diyaaradaha Kenya, taasoo caro xoog leh dhalisay.

PUNTLAND POST