Xaalad adag oo ka jirta degmada Guri-ceel iyo ciidammo baaritaanno ka wada halkaas

Guriceel (PP) ─ Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug, ayaa saakay ka billaabay hawl-gallo magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay shalay ku qabteen nin doonayay inuu isku qarxiyo goob uu kulan weyn uga socday mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo waddooyinka soo gala degmada Guriceel, iyagoo ka wada halkaas baaritaanno, kuwaasoo qayb ka ah hawlaha lagu sugayo amniga guud ee degmada.

Sidoo kale, Waxaa la sheegayaa in ciidamada Galmudug ay ilaa shan qof oo kale u qabteen Qaraxii shalay fashilmay, dadkaas oo lagu tuhmayo inay wax ka abaabuleen qaraxa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowlad-goboleedka Galmudug.

Degmada Guriceel ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana la arkayaa ciidammo meel walba taagan, isla markaana baaritaanno adag sameynaya, waxaana meelaha qaar la sheegay inay u diidayaan inay gaadiidku maraan.

Ugu dambeyn, Weerarkii shalay fashilmay ayaanay jirin weli cid sheegatay, balse mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay inuu ahaa weerar ay ka dambeysay Al-shabaab ayna doonaysay inay dad badan ku disho.

PUNTLAND POST