Guddoomiye ku xigeen cusub oo xalay loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenkii hore.

Guddoomiye ku xigeenka cusub ayaa lagu magacaabaa, Ibraahim Cumar Mahad-Alla [Ibraahim dheere], waxaana xilka laga qaaday Xuseen Maxamed Nuur oo ka mi ahaa mas’uuliyiintii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka gobolka Banaadir muddo sannad ka hor ah.

Madaxweynaha Somalia oo wareegtadiisu ay soo baxday  xalay saqdii dhexe ayuu wuxuu ku sheegay in markii uu arkay kartida uu mas’uulkan cusub u leeyahay hawlaha maamulka iyo maaliyadda uu u magacaabay xilkan cusub.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mas’uul ay si weyn isugu dhawaayeen marwada 1-aad ee dalka, iyadoo dhawr jeer oo hore ka hor-timid in xilka laga qaado Xuseen Maxamed, balse xil ka qaadistan ayaa waxay noqotay mid kadis ah.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka cusub oo horay ugu guul-darreystay in loo doorto xubnaha aqalka hoose ee doorashoodu ay ka dhacday Cadaado ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhaw ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre.

Lama oga in xika loo magacaabay uu yahay mid uu dabada ka riixayay RW Khayre iyo in kale, waxaase la sheegay in RW Khayre iyo mas’uulka xilka laga qaaday uu u dhexeeyay khliaaf gaamuray, basle xilliyadii dambe ay u muuqdeen inay isku soo dhawaanayaan.

Guddoomiye ku xigeenka xilka la qaaday ayaanay jirin wax xil ah oo loo magacaabay, lama oga halka uu xaalkiisa ku dambeyn doono xilliyada soo socda, maadaama uu horay u ahaa agaasimihii Isbitaalka Digfeer ka hor intii aan loo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Dadka falanqeeya siyaasadaha kala duwan ee Somalia ayaa waxay tallaabadan ku tilmaameen furfur ku billowday maamulka gobolka Banaadir ee xilligan talada haya, iyadoo aan la ogeyn tallaabooyinka soo socda.

PUNTLAND POST