Wasiir Maareye” Al-Shabaab barakacayaal ayeey Muqdisho ku qarxiyeen”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Maareeye ayaa sheegay in qaraxaasi ay la bartilmaameedsadeen Al-Shabaab dad barakacayaal ahaa oo daganaa wasaarada hore ee caafimaadka.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman  Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Al-Shabaab qaraxyada shacabka u soo maleegayaan bishaan Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Al-shabaab.

Puntland Post