Puntland iyo Somaliland oo xalay isku guuray

Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa mar kale ka aloosantay gobolka Sanaag kadib markii shalay ciidamada Somaliland ay weerar kedis ah ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayey wasiirka Waxbarashada Puntland oo marayay Damalla Xagarre.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Difaaca Puntland oo xalay guure kaga baxay gobollada Bari iyo Karkaar ayaa saaka ku sii jeeda degaanka Damalla Xagarre ee ay shalay ku dagaallameen labada dhinac

Sidoo kale Somaliland ayaa xalay soo rartay cutubyo ka tirsan ciidankeeda oo fadhiyay degaanka Dararweyne oo qiyaastii 60km galbeed kaga beegan Damalla Xagarre.

Cutubyada laga keenay degaanka Dararweyne ayaa sida la sheegayo Somaliland ku xoojisay ciidankeeda hore u joogay degmada Yubbe iyo tuulada Biya-guduud ee isla gobolkaasi Sanaag.

Xaaladda gobolka Sanaag ayaa saaka ku waaberiisatay jawi colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in uu halkaasi ka qarxo dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST