Dowladda Kenya oo culeys saaraysa Somalia iyo Dowladda oo aan wax jawaab ah ka bixin

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa xoojisay culeysyada siyaasadeed ee ay ku hayso Dalka Somalia, kuwaasoo jawaabo ka bixin dowladda Somalia ee xilligan talada haysa, sida joojintii duullimaadyadii tooska ahaa ee ay diyaaraduhu ku tegi jireen Nairobi.

Hay’adda socdaalka Kenya ayaa shalay u diidday xildhibaanno iyo wasiir ku xigeen ka tirsan dowladda federaalka Somalia inay fiisooyin ugu dhufato baasaboorradooda, iyagoo markaas kaddib qaarkood ay ku gudbeen baasaboorro ay ka haysteen dalalka ay deggen yihiin, halka kuwo kalena ay tan iyo xalay ku xayirnaayeen garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Xildhibaanada iyo wasiirrada xukuumadda oo wata baasaboorka gaarka ah ee Dublamaasiga ayaa waxay fiisooyinka ah dal-ku-galka ka qaadan jireen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, iyadoo taallaabadan ay qaaday Kenya ay tahay middii ugu horreysay nooceeda.

Tallaabadan oo aysan weli wax war ah kasoo saarin Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxay noqotay mid maanta si aad ah looga hadal hayo, iyadoo la sugayo jawaabta ay dowladdu ka bixiso.

Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa toddobaad ka hor joojisay duulimaadkii ay sida tooska ah ugu tegi jireen Nairobi diyaaradaha ka duulka Muqdisho, taas oo noqotay culeys lasoo darsa dadka Soomaaliyeed ee u safra Nairobi.

Dowladda Somalia ayaan tallaabadaas wax jawaab ah ka bixin, waxaana ay imaanaysaa iyadoo horay xukuumadda Kenya ay u soo cayrisay danjirhii u joogay Somalia magaalada Nairobi, inkastoo goor-dambe heshiis laga gaaray uuna dib ugu laabtay.

Inkastoo aan la xaqiijin kari sababta Dowladda Kenya ay tallaabooyinkaan u qaadayso, ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan in ay dalbanayso in Somalia ay dib uga soo celiso maxkamadda ICJ dacwadda la xiriirta muranka badda oo ay Kenya u aragtay in looga awood roon yahay.

Xukumadda Kenya ayaa horay ugu dhaqaaqday ficillo ka dhan ah DF intii ay jirtay Dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, iyadoo dowladdii xilligaas ay uga jawaabtay inay joojiso Qaadka ama Jaadka, taasoo Uhuru Kenyatta ku qasabtay inuu Muqdisho uuna Xasan Sheekh la galo heshiis dib loogu soo celinayo jaadka iyo xiriirka labada waddan.

Ugu dambeyn, Dowladda hadda jirta ayaan u muuqan mid jawaab cad ka bixin doonta falalka siyaasadeed ee Kenya, waxaase dad badan ay sheegeen in Kenya aysan maanta u baahnayn Somalia, balse ay iyadu u baahan tahay.

PUNTLAND POST