Xildhibaanno ku baaqay in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Dalka Somalia

Muqdisho (PP) ─ Tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay xukuumadda Somalia in ciidamada ka socda dalka Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Somalia.

Xildhibaannadan ayaa qaarkood waxay sheegeen in Kenya ay si toos ah ugu xad-gudubtay madax-bannaanida Somalia, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dalka ka baxaan, haddii kalena uu cawaaqib xun ka dhalan doono sii joogitaankooda Somalia.

“Ciidamada Kenya waxay si toos ah ugu soo xad-gudbaan gudaha Somalia, iyagoo dhibaatooyin u geystay shacabka iyo hantida gudaha dalka ku taalla, sidaa daraadeed wax burburintooda waxaa ka weyn xad-gudubka dhanka madax-bannaanida ah ee ay ku sameynayso Somalia,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo dalbaday in ciidamada Kenya laga saaro dalka.

Sidoo kale, Waxaa iyadana isla arrintaan ka hadashay xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo sheegtay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin aan loo meel-dayin ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana ay burburiyaan xarumaha ay shirkadaha Soomaalida ku leeyihiin gobolka Gedo.

“Ma jirto cid la xisaabtanka ciidamada Kenya, sidaa daraadeed waxaan si deg-deg ah uga dalbanaynaa dowladda federaalka ah inay go’aan dhaqso ah ka gaarto joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia,” ayay tiri xildhibaanada oo intaas ku dartay inaan loo dul-qaadan doonin dhibaatooyinka ay ciidanka Kenya ka wdaan gobolka Gedo iyo gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isagana wuxuu si adag uga hadlay joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dowaldda Kenya inay ciidamadeeda si dhaqso ah ugala baxdo gudaha Somalia.

“Waxaan dowladda Somalia ka dalbanayaa inay qorto warqad deg-deg ah oo looga dalbanayo ciidamada Kenya inay ka baxaan Somalia, waayo dalkeena waxay ku hayaan dibaato aan xad lahayn,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Ugu dambeyn, Tiro kale oo xildhibaanno oo shalay ka qayb-galay kulankii ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka Somalia ayaa waxay si adag uga hadleen dhibaatada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Somalia, iyagoo dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro Somalia, kuwaasoo ka tirsan ciidanka ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

PUNTLAND POST