Puntland: Fashilku Goodax Barre keliya ayuu goonni ku yahay

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan oo saaka wareysi siinayey idaacadda Radio Daljir, ayaa gebi ahaanba beeniyay hadalkii wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo shalay magaalada Jowhar ka sheegay in uu fashilmay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay, in imtixaankii shahaadiga Puntland uu sidii loogu tala-galay u socdo, isagoo xusay in maalintii kowaad ee shalay uu ku dhammaaday si guul iyo sharaf leh, islamarkaana aysan jirin hal meel oo dhibaato laga soo sheegay dhammaan goobihii imtixaanka.

Adeer wax ka jiraa ma jiraan, wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddayn” ayuu yiri wasiirka Puntland isagoo sii raaciyay” Puntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii kowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharafleh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto”.

Dhinaca kale, wasiirka waxbrashada Puntland ayaa sheegay in uusan jirin, wax xiriir ah oo ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu su’aal geliyay halka wasiir Goodax uu ka keenay fashilka uu ku tilmaamay imtixaanka Puntland?

Halkan ka dhegayso codka wasiirka

PUNTLAND POST