Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Dagaal ku baaqay – kana hadlay Qaraxii Bardaale

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay qarixii khasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay.

C/casiis Lafta-gareen ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Baydhabo wuxuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Bardaale oo uu ka mid yahay Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa golaha deegaanka Berdaale isla markaana ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Somalia.

Sidoo kale, Lafta-gareen ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed, wuxuuna balan-qaaday inuu wax badan u qaban doono ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Dhanka kale, Ciidanka dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ka dig-toonaadaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab, wuxuuna ka dalbaday shacabka inay ciidamada kala shaqeeyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka  Bay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Koonfur-galbeed oo C/llaahi Sh. Maxamed Sh. Mukhtaar lagu magacaabi jiray.

Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa deegaannada ay ka taliyaa qaybo ka mid ah maamula Al-shabaab, iyadoo degmooyin dhawr ah ay ku jiraan go’doomin ay gelisay Al-shabaab, taasoo uu maamulku wax ka qaban waayay.

DHAGEYSO: Hadalka Madaxweynaha Koonfur-galbeed uu ka jeediyay Baydhobo

PUNTLAND POST