Goodax: Imtixaankii Puntland wuu fashilmay

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta habaaray dowladda Puntland kadib markii saaka degaannada Puntland looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee lagu qaado gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii  dalka.

Wasiir Goodax oo maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulayaal, macallimiin iyo qaar kamid ah ardaydii u fariistay imtixaankii fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in imtixaankii Puntland ee saaka loo fariistay uu isna fashilmay sidaasi darteedna aysan la yaabin kii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan fashilmay.

“Imtixaan waa fashilmaa, saacaddan la joogo Puntland imtixaan ay qaadaysay waa fashilmay, wadamada deriska ah waa ka fashilmaa, adduunkuu ka fashilmaa, laakiin inta aan fashil la’aanta u dhowaanay fiiriya. 104 goobood oo imtixaan lagu qaadayay, in hal keliya waxay ka yartahay 1% (boqolkiiba hal)” ayuu yiri Goodax oo kulankaasi ka hadlayay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli saaka uu degaannada Puntland wakhti isku mid ah ka bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallad 4aad ee dugsiyada sare, islamarkaana si jawi deggan ah lagu galay maaddooyinka u horreeyay intixaankaasi oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee gudaha Soomaaliya lagu qaaday tan iyo burburkii dalka.

Sidoo kale imtixaanka Puntland ee saaka waxaa u fariistay tiradii ugu badneyd ee imtixaan u fariisata degaannada Puntland, tiradaasi oo gaaraysa 15,892 arday.

Wasiir Goodax ayaa hore gef iyo aflagaaddo ugu geystay ardayda iyo waalidiinta Puntland isagoo liiday intixaanka ay qaaddo dowladda Puntland balse maalmo kadib ayaa isagu ku fashilmay imtixaankii magaalada Xamar iyo gobollada Koonfurta iyo bartahama Soomaaliya kadib markii uu warbaahinta la soo istaagay in laga xaday imtixaankii oo aan waxba gacanta ugu jirin.

PUNTLAND POST