Ururka Al-shabaab oo sheegay in uu gacanta ku dhigay Saldhig ku yaalla Jubbada Hoose

Kismaayo (PP) ─ Wararka ka imaanaya deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland yo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Internet-ka waxay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay salhigggaas hub badan ka qaateen, isla markaana ay la wareegeen deegaanka Diif, laakiinse ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo cidamada ka socda Kenya eek a tirsan AMISOM.

“Xoogaggeennu waxay la wareegeen saldhiggii ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku lahaayeen Diif oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya, halkaas waxaan ku qabsannay hub fara badan,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Kooxa Al-shabaab.

Dhanka kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaarooyin aad u badan ku gaarsiiyeen ciidamada isbahaysanayay, balse ma sheegin khasaare dhankooda kasoo gaarya dagaalka.

Ugu damben, Inta badna deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidamada DF iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar ku qaada weerarro xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee ka socda Midowga Afrika.

PUNTLAND POST