Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay xuska 15-ka May

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeeybgalay munaasabada xuska 15-ka may oo ku beegan aaa aaska ururkii SYL.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee dowlada dhalinyaro iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYl.

Puntland Post