Faahfaahinta: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Boosaaso

Sawirkani waa qaraxa hore ee maaha kan caawo

3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo fiidnimadii caawo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qarax miino oo dhulka ku aasnaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidanka Booliiska xilli uu marayay isgoyska xaafadda Al-Raxma ee magaalada Boosaaso.

Sarkaalka ayaa sheegay in qaraxa inta uu ogyahay ay ku dhaawacmeen 3 askari oo keliya balse laga yaabo in shacabka wadada marayay khasaare ka soo gaaray.

Ciidanka Booliiska gobolka Bari oo gaaray goobta qaraxaasi ka shacay ayaa sida la sheegayo halkaasi ka bilaabay hawlgallo baaritaanno ah inkastoo aysan jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay qaraxaasi midna.

Qaraxa ayaa noqonaya kii labaad ee todobaadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo kii hore ka dhacay xarunta maxkamadda magaalada.

PUNTLAND POST