Buundada isku xirto Hiiraan iyo gobolada dhexe oo roobabku ay dumiyeen

Gudoomiyaha barlamanka hirshabelle Cusmaan Barre mohamed ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya, hey’addaha caalamiga iyo bulashada reer Hirshabelle ee dal iyo dibad ku sugan iney ka qeeb qaataan Dayactirka buundada ceel gaal ee dhawaan eey dumiyeen daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka da ay gobolka Hiiraan.

“Sidaan wada ognahay buundada Ceel gaal waxeey muhiim u tahay isku socodka magaladda ganasiga Hirshabelle ee Baladweyne iyo Gobolada dhexe.

Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa cidkaste oo gacan ka geesan karto dhismaha buundadas iney wax ka qabtaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhowaan roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu dumiyay Buundadii muhiimka u aheyd gobolada Hiiraan iyo Gobolada dhexe.

Puntland Post